U bood dhigaalka

Dhageyso: Maxaa Keenay Dib U Dhaca Shirkii Gollaha Iskaashiga Ee Magaalada Kismaayo?

Sheeko:Dalka

Waxaa maanta dib u dhac uu ku yimid Shirka gollaaha dowlad goboleedyada dalka, kaasoo qorshuhu ahaa inuu uga furmo magaalada Kismaayo, ee caasimadda KMG ah ee maamulka Jubbaland.

Xoghayaha Madasha dowlad goboleedyada Soomaaliya Cali Cabdi Caraale, ayaa xaqiijiyay in Shirka uu furmo doono maalinta berri ah, subixii saacadu markii ay tahay 10:00 AM, waqtiga geeska Africa.

Xoghayaha ayaa ku sababeeyay sababta dib u dhaca ku keentay shirka arrimo farsamo, iyadoo wafuuddii la filayay inay shalay yimaadaan ay dib u dhaceen, islamarkaana maanta uu Kismaayo gaarey hoggaamiyaha Koonfur Galbeed, Shariif  Xasan Sheekh Aadan.

HOOS KA DHAGEYSO:

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada