U bood dhigaalka

Dhageyso: Mooshin Xil Ka Qaadis Ah Oo Laga Gudbiyey Duqa Gaalkacyo Ee Puntland

Sheeko:Dalka

Xildhibaanno ka mid ah golaha deegaanka ee magaalada Gaalkacyo ayaa mooshin xil ka qaadis ah waxay ka gudbiyeen duqa magaalada Gaalkacyo ee maamulka Puntland.

Xildhibaan Cabdiwaaxid Axmed Maxamed oo ka mid ah mudanayaasha golahan ayaa wareysi uu siiyey Goobjoog News, wuxuu ku sheegay in duqa Gaalkacyo uu baalmaray xeerarkii iyo sharcigii u yaallay golahooda.

Waxa uu tilmaamay xildhibaanka sidoo kale in duqa Gaalkacyo uu wax u qaban waayay shacabka magaaladan, sidaas darteedna ay xilka ka qaadi doonaan.

“Sharciga waan usoo marnay in duqa aan Mooshin ka keenno, waxqabad la’aan iyo hareermar sharciga ah ayuu sameeyey” sidaasi ayuu yiri xildhibaan Cabdiwaaxid.

Dhanka kale, duqa Gaalkacyo ee Puntland Maxamuud Yaasiin Tumeen ayaan weli ka hadal mooshinkaan laga keenay.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News