U bood dhigaalka

Dhageyso: Naafada Ku Dhaqan Garbahaarey Oo Cabasho Ah

Sheeko:Dalka

Naafada ku dhaqan degmada Garbahaarey ee gobolka Gedo ayaa sheegay in ay  ka cabanayaan noolol xumo iyo daryeel ’aan ku heysto xeryaha ay deggan yihiin.

Waxyaabaha ay sida gaarka ah uga cabanayaan naafadan ayaa waxaa ka mid ah daryeel la’aan, waxbarasho la’aan, Shaqo la’aan iyo adeegyadii caafimaad ee ay u baahnaayeen oo gebi ahaanba meesha ka baxay.

Aadan Cabdile Aadan oo ah Afhayeenka urur ay ku mideysan yihiin inka badan 130 ruux oo naafo ah isuguna jira Rag iyo Dumar oo ku nool magaalada Garbahaarey ayaa Goobjoog News waxa uu uga warramay dhibaatooyinka xilligani.

Waxa uu sidoo kale sheegay Aadan in ay u baahan yihiin gurmad dhan walbo ah sida hoy wanaagsan, cunto, biyo, caafimaad iyo waxbarasho.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News