Dhageyso: Qodobadii Ay Ku Heshiiyeen Somaliland Iyo Khaatumo

Magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland waxaa heshiis ka kooban 10 qodob ku kala saxiixday maamullada Somalilan iyo Khaatumo State.

Qodobada heshiiska ayaa waxaa kamid ahaa arrimo ku aadan hannaanka loo sii wajihi doono wadahadallada dhiman iyo sidoo kale qaabka loo qaban doono shirweynaha Labada dhinac.

Sidoo kale waxaa heshiiskan loogu digey dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Puntland oo la sheegay iney farogelin ku hayaan arrimaha Somaliland iyo Khaatumo.

Waxaa qodobada heshiiskan kamid ahaa digniin loo direy shirkadaha diyaaradaha oo la sheegay ineysan fasax la’aan soo degi karin si amnigooda loo sugo.

Wasiirka arrimaha dibadda maamulka Somaliland Sacad Cali Shire ayaa saxaafadda u akhriyey qodobada heshiiska.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News

 

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW