U bood dhigaalka

Dhageyso: Qoysaskii Ka Barakacay Fatahaaddii B/weyne Oo Ku Laabanaya Guryahooda

Sheeko:Dalka

Dadkii ka barakacay fatahaadda Wabiga Shabelle ayaa bilaabay iney dib ugu soo laabtaan guryahooda, kadib markii biyaha ay ka laabteen magaalada.

Waxaa la arkayaa gaadiid badan oo magaalada kusoo daabulaya qoysaskii horay uga barakacay magaalada, kuwaasi oo aaday duleedka magaaladaasi.

Dadka qaar oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in hadda u baahan yihiin in laga gacan siiyo dhismaha guryahooda oo qaarkood burbur u geystay biyaha.

Waxay ka dalbadeen maamulka gobolka Hiiraan in kaalin ay ka qaataan dib u dhiska waddooyinka iyo guryaha si dadku magaalada ugu soo noqdaan.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News