U bood dhigaalka

Dhageyso: Roob Ka Da’ay Ceelwaaq Oo Sababay Barakaca Boqolaal Qoys

Sheeko:Dalka

Maamulka degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo ayaa sheegay in boqolaal qoys ay isaga barakaceen degmadaasi, kadib markii halkaasi ay ka da’een roobab mahiigaan ah.

Guddoomiye ku xigeenka degmadaasi, Sahal Macallin Aadan oo la hadlay Goobjoog News, ayaa sheegay in roobkaan uu kasoo rogmaday daad xooggan, islamarkaana ay keentay in dad badan ay xaafadahooda ka barakacaan.

Waxa uu tilmaamay guddoomiye ku xigeenka in xaafadaha qaar ee degmadaasi aanay u adkeysan karin roobabka, islamarkaana sidoo kale ay sare u kaceen maciishaddii kala duwaneyd ee degmada laga iibisan jiray.

Guddoomiye Sahal ayaa ugu baaqay dowladda federaalka, Jubbaland iyo hay’adaha samofalka ah in gurmad ay lasoo gaaraan qoysaska ka barakacay degmadan oo ku sugan duleedka degmadaasi.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News