U bood dhigaalka

Dhageyso: Shir Looga Hadlayo Arrimaha Dastuurka Oo Maanta Ka Furmaya Cadaado

Sheeko:Dalka

Maanta oo Sabti ah ayaa lagu wadaa in magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud ka furmo shir ballaaran oo looga hadlayo arrimaha dastuurka.

Shirkan ayaa waxaa soo qabanqaabisay wasaaradda dastuurka ee xukuumadda federaalka Soomaaliya, waxaana ka qeybgalaya wasaaradda dastuurka maamulkaasi iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Waxaa inta shirkan uu socdo looga hadli doonaa arrimo ku aadan dib u habeynta Dastuurka, waana shir la tashi ah.

Shirkan ayaa daba socda shir horey uga dhacay qaar ka mid ah magaalooyinka dalka oo looga tashanayey dib u habeynta dastuurka.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News