U bood dhigaalka

Dhageyso: Sidee Loogu Gurman Karaa Shacabka B/weyne?

Sheeko:Dalka

Shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa ka aragti dhiibta sida ugu habboon ee xilligaan loogu gurman karo shacabka ku dhibban magaalada B/weyne ee ay saameysay fatahaadda wabiga Shabelle.

Waxay dadkan qaarkood ay sheegeen in shacabkaan loo caawin karo oo kaliya iyadoo ay shacabka Soomaaliyeed meel walbo oo ay joogaan u midiibaan, islamarkaana aanay u kala harin.

Waxay dadka qaarkood ay sheegeen in kaalinta ugu weyn hadda looga baahan yahay dowladda federaalka, kadibna shacabka Soomaaliyeed.

Fatahaadda Wabiga Shabelle ayaa saameeyey guud ahaan shacabka ku dhaqan magaalada B/weyne, kuwaasi oo magaalada ka barakacay, una baahan gurmad dhan walbo leh.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News