U bood dhigaalka

Dhageyso Siyaasi Soomaaliyeed Oo Dowladda Ugu Baaqay La Shaqeeynta Maamullada Dalka

Sheeko:Dalka

Siyaasi Axmed Shire Falagle oo kamid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa Goobjoog News uga warramay shirka Kismaayo uga furmay madaxda maamul goboleedyada dalka.

Shirka oo madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Soomaaliya ee shanta ah Cabdiwali Cali Gaas, Maxamed Cabdi Waare, Axmed Ducaalle Xaaf, Shariif Xasan iyo Axmed Madoobe ay ka jeediyeen khudbado ay dhinacyo kale duwan uga hadleen ayaa ku dheeraaday eedeynta dowladda federaalka.

Siyaasigu wuxuu sheegay in wixii qaldan masuuliyaddeeda ay qaadanayso madaxda dowladda federaalka.

Axmed Shire Falagle oo horay wasiir maamul soo noqday ayaa meesha ka saaray in maamullada ay yeelanayaan wax eed ah wuxuuna sheegay in dowladdu ay u soo jeedin la shaqeynta maamullada.

Shirka maanta uga furmay dowlad goboleedyada dalka Jubbaland, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle, Galmudug iyo Puntland magaalo xeebeedka Kismaayo ayaa si weyn loo hadal hayaa go’aamada ay ka soo saari karaan madaxda dabayaaqada shirkooda oo warmurtiyadeed nuxurka isku imaatinkooda ay soo bandhigi doonaan.

Halka Hoose Ka Dhagayso:

Goobjoog News