U bood dhigaalka

Dhageyso: Siyaasi Villa Somalia Ku Eedeeyay Inay Iska Hor Keeneyso Maamullada

Sheeko:Dalka

Wali waxaa taagan khilaafka siyaasadeed ee dowlad goboleedyada iyo madaxtooyada Soomaaliya.

Siyaasi Ciise Maxamuud Faarax oo xilal kale duwan ka soo qabtay Puntland oo wareysi siiyay Goobjoog News ayaa eedda dusha u saaray madaxda ugu sarreeysa dowladda federaalka.

Wuxuu sheegay in ay ka gaabiyeen in khilaafka kala dhaxeeya maamullada afarta ah ee Puntland, Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland qaabkii lagu xallin lahaa ay la yimaadaan.

Wuxuu sheegay in dowladda federaalka ay kala shaxaadeyso dowlad goboleedyadii sida in Hirshabeelle ay la soo wareegtay sida uu hadalka u dhigay.

Caqadabaha arrintaas ka dhallan kara ayuu ku tilmaamay in aynaan ahayn wax sahlan loona baahan yahay in go’aamo wax ku ool ah ay Villa Somalia la timaado inta ay ka gudubto madaxweyne goboleed beddal si loogu guuleysto in dib loo yegleelo haykalkii dowladnimo.

HALKAN HOOSE KA DHAGEYSO:

Mawduucyada:Gobollada