U bood dhigaalka

Dhageyso: Waddooyinkii Ku Burburay Fahataadda Wabiga Shabelle Ee B/weyne Oo La Dhisayo

Sheeko:Dalka

Maamulka gobolka Hiiraan oo kaashanaya ganacsatada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa billaabay dayactir lagu sameynayo waddooyinka waaweyn ee soo gala magaalada B/weyne.

Waxaa la bilaabay dayactir lagu sameynayo waddo soo gasha xaafadda B/weyne, kana timaada galbeedka magaaladaasi, iyadoo wadadan uu ka muuqanayo saameyntii fatahaadda Wabiga Shabelle.

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan, C/laahi Axmed Maalin iyo guddoomiyaha B/weyne Maxamed Cismaan Cabdi oo kormeer ku sameeyey dayactirka wadadan ayaa sheegay in haatan meel wanaagsan ay mareyso maalmaha soo aaddan la dhammeytirayo.

Waxa ay sheegeen in ka maamul ahaan ay dedaal weyn ku bixin doonaan iney dib u dhis ku sameeyaan dhammaan waddooyinka burbursan ee B/weyne.

Wabiga Shabelle ayaa markii uu ku fatahay magaalada B/weyne wuxxuu burburiyey waddooyin muhiim u ahaa isku socodka dadweynaha iyo gaadiidka.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News