U bood dhigaalka

Dhageyso: Wararkii Ugu Dambeeyay Dagaal Xalay Ka Dhacay Degmada Afgooye

Sheeko:Dalka

Dagaalyahannada Al-shabaab ayaa habeenkii xalay ahaa waxay weerar ku qaadeen fariisin ay ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ku leeyihiin degmada Afgooye ee gobolka Shabellaha Hoose.

Wararka waxay sheegayaan in marka hore Bambooyin lagu weeraray fariisimahan, hase ahaatee waxaa xigay dagaal yahanno hubeysan oo dagaal fool ka fool ah la galay ciidanka dowladda.

Illaa  iyo hadda lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalladan xalay ka dhacay Afgooye, hase ahaatee saraakiisha ciidanka dowladda ee degmadaasi waxay sheegayana iney iska caabiyeen Al-shabaab.

Xaaladda guud ee degmada Afgooye, saakay waa mid deggan, waxaana jira dhaq dhaqaaqyo ay wadaan ciidanka dowladda.

Habeen kahor sidan oo kale Al-shabaab waxay dagaal xooggan kusoo qaadeen xarumo ay ciidanka dowladda ku leeyihiin degmada Afgooye.

Halkaan hoose ka dhageyso

Goobjoog News