U bood dhigaalka

Dhageyso: Wasaaradda Arrimaha Gudaha Hirshabelle Oo Beenisay Iney Magacawday Guddoomiye Ku Xigeenka Maaliyadda Hiiraan

Sheeko:Dalka

Wasaaradda arrimaha gudaha ee maamulka Hirshabelle ayaa waxbo kama jiraan ku sheegtay iney magacwoday guddoomiye ku xigeenka dhanka maaliyadda ee maamulka gobolka Hiiraan.

Maxamed Cali Caadle, wasiirka arrimaha gudaha ee Hirshabelle ayaa sheegay in ay la yaabeen markii ay arkeen warqad dhex socota baraha bulshada oo lagu sheegayo in xilkiisa dib loogu magacaabay guddoomiye ku xigeenka maaliyadda Hiiraan, kaasi oo Labo Todobaad ka hor is casilay.

“Waa been abuur warqadda meelaha lala wareegayo, cid dib u magacawday ma jirto guddoomiye ku xigeenkii is casilay, warqaddii horey loogu magacaabay ayaa dib loo soo farsameeyey” ayuu yiri wasiirka.

Dhanka kale, wasiirka arrimaha gudaha maamulka Hirshabelle ayaa sheegay iney baaritaan ku wadaan cid walbo oo ay ku tuhmaan iney ka dambeysay been abuurka warqaddan.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News