Dhageyso: Wasiir Maareeye “Qorsheyaasha Xukuumadda Waa In Lagu Soo Daraa Wada Hadallada Somalia Iyo Somaliland”

Wasiir ka tirsan xukuumadda Soomaaliya oo soo jeediyay in dalka midnimadiisa ay qorshe ka lahaato dowladda uu hoggaamiyo Farmaajo.

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa su’aal ka keenay qorshayaasha Xukuumadda oo maanta lagu soo bandhigay Kulan Golaha Wasiirada isugu yimaadeen, kaasoo uu shir guddoominayay Madaxweynaha Soomaaliya, waxaana kulankan si toos ah looga daawanayay Telefishinka Qaranka.

Wasiir Maareeye ayaa dood ka keenay in aan lagu soo darin Tubta siyaasadda loo dhan yahay arrinta Wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya.

Mr Maareeye ayaa sheegay in dadka reer Somaliland ay heystaan nabad muddo 30 sano ku dhow, isla markaana ay u dhibaateysan yihiin inay dowladdu gaarto oo ay helaan waxbarasho iyo shaqo.

HOOS KA DHAGEYSO:

 

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW