U bood dhigaalka

Dhageyso: Waxgaradka Gaalkacyo Oo Aqbalay Ka Qeybgalka Shirka Dib u Heshiisiinta Galmudug

Sheeko:Dalka

Waxgaradka magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa sheegay iney aqbaleen ka qeybgalka shirka dib u heshiisiinta Galmudug ee lagu wado inuu ka dhaco magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud.

Waxay sheegeen waxgaradkan in wadahadallo dheer kadib ay is fahmeen xubnaha guddiga shirka dib u heshiisiinta Galmudug, sidaasi darteedna ay diyaar u yihiin iney tagaan Dhuusamareeb.

Sidoo kale, waxgaradkan ayaa sheegay in ka beel ahaan ay diyaar u yihiin iney tagaan meel walbo oo gogosha nabadeed la dhigayo.

Waxay tilmaameen in wixii ku saabsan maamulka iyo cadaaladda ay ka wada hadli doonaan markii la isku tago.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News