Dhageyso: Waxgaradka Hiiraan Oo Bilaabay Kulamo Lagu Qaboojinayo Xiisadda B/weyne

Waxgaradka ku dhaqan gobolka Hiiraan ayaa bilaabay kulamo gaar gaar ah, kuwaasi oo lagu qaboojinayo xiisadda maalmahan dambe ka taagneyd magaalada B/weyne.

Nabadoon Cilmi Hagar Guurre oo ka mid ah waxgaradkan ayaa wareysi uu siiyey Goobjoog News, wuxuu ku sheegay in ka waxgarad ahaan ku dedaalayaan iney xaaladda dedejiyaan, lana kulmaan cid walbo oo arrintaasi quseysa.

Sidoo kale, Nabadoonka ayaa sheegay in dhaqanka markii ay isku yimaadaan ay caddeyn doonaan go’aankooda kama dambeysta ah iyo waxa ay ka qabaan Hirshabelle.

Dhanka kale, Nabadoon Cilmi ayaa sheegay in markii horeba gobolka Hiiraan si awood ah loogu daray dowlad goboleedka Hirshabelle.

Guddoomiyahii gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar Dabageed ayaa ka horyimid xil ka qaadistii dhowaan lagu sameeyey.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW