Dhageyso: Xildhibaan Maxamed Cali “Doorashada 17-ka Ayaa La Qabanayaa”

Xildhibaan Maxamed Nuur oo kamid ah guddiga doorashada madaxtinimo ee Koonfur Galbeed ayaa wareysi uu siiyay Goobjoog News ku sheegay in doorashada waqtigeeda ay qabsoomayso.

Waxaa uu tilmaamay in maanta ay u tageen guddoomiyaha gollaha shacabka ee Koonfur Galbeed Cabdulqaadir Shariif Sheekhunaa Maye islamarkaana uu ka ogalaaday dalab ay u gudbiyeen oo ah in ay shaqada sii wadaan.

Xildhibaanka ayaa tibaaxay in hadda ay muhiim u yihiin oo kaliya 3 xubin oo lagu soo daro, inkastoo shalay ay iscasileen 15 oo ay ku jiraan guddoomiyihii, ku xigeenkiisa iyo xoghayihii guud.

Dhanka kale, xildhibaanka xubinta ka ah guddiga doorashada ayaa beeniyay in faragalin ay doorashada ku heeysto dowladda federaalka waxaase uu qiray in dowladda ay wada shaqeyn leeyihiin.

HOOS KA DHAGEYSO:

 

 

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW