U bood dhigaalka

Dhageyso: Xildhibaanno Dhaliilay Waxqabadka Madaxweynaha Hirshabelle

Sheeko:Dalka

Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Hirshabelle ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha maamulkaas Maxamed Cabdi Waare in uu ku guul-dareystay hoggaaminta maamulkaas.

Xildhibaannadan oo kulan ku yeeshay magaalada Jowhar ayaa dhaliilay Madaxweyne Waare, waxayna sheegeen in Madaxweyne Waare aanu waxba ka qaban dhibaatooyin-ka taagan Hirshabelle.

Waxa ay tilmaameen xildhibaannadan iney jiraan beello qaar oo uu madaxweyne Waare Xaqiray waa sida ay hadalka u dhigeen.

Sidoo kale, waxay sheegeen xildhibaannadan in ay kalsoonida kala noqdeen madaxweyne Waare, islamarkaana ay xildhibaannada kale ee maamulkaasina ugu baaqayaan in kalsoonida ay kala noqdaan madaxweynaha.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News