U bood dhigaalka

Dhallinta Gaalkacyo Oo Ku Baaqay Nabadda

Sheeko:Dalka

Qaar kamid ah dhallinyarada magaalada Gaalkacyo ayaa ka hadlay xaaladda magaalada Gaalkacyo kadib markii ay soo cusboonaatay colaad u dhaxeysa maamullada deriska ah ee Galmudug iyo Puntland.

Dhallinyaradani oo aan la hadalnay ayaa sheegay in magaalada Gaalkacyo aysan u baahnayn colaad oo ay u baahan tahay nabad iyo wada noolaanshiyo ay helaan dadka ku nool magaaladaasi.

Guddoomiyaha ururka dhallinyarada gobolka Mudug ee Galmudug Caydiid Maxamed Cali ayaa u sheegay Goobjoog News in ka dhallin ahaan ay ka xun yihiin xaaladda magaalada Gaalkacyo sida ay tahay.

Wuxuu sheegay in labada maamul ay qaadanayaan masuuliyadda dhibaatada ka taagan magaalada Gaalkacyo oo saameyn ku yeelatay dadka iyo adeegyada bulshadaba.

“Labada maamul goboleed ayaa leh masuuliyadda dagaalka Gaalkacyo, maxaa yeelay mar walba waxay dhahaan heshiis baa gaarnay wax ka fulana ma aragno, madaxda waxaan leenahay aan isku dayno ka shaqeynta nabadda iyo xasiloonida magaaladani” ayuu yiri Guddoomiyaha dhallinyarada gobolka Mudug.

Magaalada Gaalkacyo oo xaaladdeeda ay hadda deggan tahay ayaa maalin ka hor waxaa ka dhacay iska hor imaad u dhaxeeyay ciidamo kala taabacsan Galmudug iyo Puntland waxaana halkaas ka dhacay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh.

Goobjoog News