U bood dhigaalka

Dhallinyarada Gaalkacyo Oo Bilaabay Qorshe Nabad Loogu Wada Noolaanayo Magaaladaasi

Sheeko:Dalka

Dhallinyarada ku dhaqan magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa bilaabay qorshe nabad loogu wada noolaanayo magaaladaasi, sidoo kalena lagu wacyigelinayo dhallinyarada.

Madasha nabadda isdhexgalka bulshada gobolka Mudug oo ay ku mideysan yihiin dhallinyaradan ayaa bilaabay in xilliyada habeenkii ah la isugu gudbo Labada dhinac ee Gaalkacyo.

Waxay sheegeen dhallinyaradan iney ka go’an tahay in meesha laga saaro cabsida ah in aanay shacabka Gaalkacyo is dhexgali karin.

Xalay ayeey dhallinyaradan illaa saq dhexe isaga kala gudbayeen Waqooyiga iyo Koonfurta Gaalkacyo oo ay kala maamulaan Puntland iyo Galmudug.

Gaalkacyo ayaa laga dareemayaa isbedal badan oo dhanka nabadda ah, iyadoo magaaladaasina ay hadda noqoneyso mid dib uga soo kabaneysa colaadihii soo ragaadiyey.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News