U bood dhigaalka

Dhallinyarada Gaalkacyo Oo Ka Horyimid Kala Qeybsanaanta Magaaladooda

Sheeko:Dalka

Tan iyo markii magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ay ka dhaceen dagaallada sokeeye waxaa hakad ku yimid is dhexgalka dhallinyarada Puntland iyo Galmudug oo horey u ahaa kuwo mideysan.

Dhallinyaro is abaabushay ayaa bilaabay qorsheyaal lagu doonayo in ay is dhexgal sameeyaan dhallinyaradan, meeshana looga saaro kala soocii dhallinyarada si magaalada dhallinyarada joogto u noqdaan kuwo mid ah.

Qaar kamid ah dhallinyaradan ku nool magaalada Gaalkacyo ayaa soo dhoweeyey in la sameeyo is dhexgal dhallinyarada ku nool Labada dhinac ee magaaladaasi.

“Haddii aynu nahay dhallinyarada ku nool magaalada Gaalkacyo waan soo dhoweyneynaa in la bilaabo qorshe ay isku dhexgalayaan dhallinyarada maadaama muddo la kala maqnaa, waxaa hadda jirta in dhallinyarada isku imaanayaan, ayna sameynayaan kulamo gaar gaar ah, waan soo dhoweyneynaa waana mid faa’ido ku jirto” sidaasi waxaa yiri mid kamid ah dhallinyarada ku sugan Gaalkacyo oo la hadlay Goobjoog News.

Dhanka kale maamullada Gaalkacyo ee Puntland iyo Galmudug ayaa horey u yeeshay kulamo ay uga qeybqaadanayaan is dhexgalka bulshada Labada dhinac.

Kala xirnaanshiyaha shacabka ku nool Gaalkacyo ayaa muddo badan soo jirtey, waxaysa hadda u muuqataa in dhallinyaradu doonayaan iney furaan bog cusub oo weji midnimo u yeeli doonta shacabka Gaalkacyo.

Goobjoog News