U bood dhigaalka

Dhibaatooyinka Heysta Haweenka Hilibka Ku Iibiya Hareeraha Waddooyinka Muqdisho

Sheeko:Dalka

Tan iyo bur-burkii dowladdii dhexe ee dalka Soomaaliya waxa ay qaadday waddada shaqa la’aanta. Qoysas badan ayaa waxaa soo wajahay daruuf adag oo dhanka nolosha ah, Haweenka Soomaaliyeed waxa ay hormuud ka noqdeen nolosha kummannaan qof oo u badan ehelkooda gaar ahaan carruurtooda kuwaas oo iskugu jira agoon danyar iyo qaarkood oo lagu furay carruur badan waxayna ku qasbanaadeen inay suuqa soo galaan waxaana lagama maarmaan noqotay in ay hardan adag u galaan korinta ilmahooda.

Iyaga oo u maraya hal-abuurkooda  haddii ay ahaan lahaayeen kuwa yar-yar ama kuwa waaweyn, biya-dhaca warbixinteenna waxay diiradda saareysaa Hooyooyinka u istaagay in ganacsiga hillibka ay ku maareeyaan qoysaskooda islamarkaana ay ku horumariyaan nolosha bulsho muddo ka badan rubac qarni iyagoo la daalaadhacayey colaad, saboolnimo, iyo abaaro saameeyay gayiga Soomaalida.

Muqadishu waxaa ku nool haween badan oo  maalin walba u soo shaqo taga iibinta hillibka balse waxa ay la kulmaan dhibaatooyin badan waxaana ka mid ah in aysan haysan suuq u gaar ah oo lagu iibiyo hillibka, canshuur laga qaado oo aysan ku haysan beddel dowladdu ugu sameeyso lacagtaasi laga qaado, sidoo kale waxaa laga qaadaa lacag aan sharci ahayn oo ciidanka dolwaddu ay ka qaataan  miis walba taasina waxaa ugu wacan goobo munaasab aan ahayn oo ay miisaska hillibka dhigteen maaddaama ay waayeen goobo kale waxayna ku qasbanaadeen in ay oggolaadaan lacago aan sharci ahayn.

Maryan Axmed Cali waxaa ay ka mid tahay Hooyooyinka iibiyo Hillibaka waxaa ay haystaa Carruur gaareysa illaa 8 Cunug kuwaas oo qaarkood aabbahood ay kala tageen kuwana ay Agoon yihin iyada ayaana dusha saaratay mas’uuliyadda noloshooda mana jirto cid kale oo ka caawiso korriimadooda, waxbarashadooda iyo caafimaakooda iyadaoo ka hadleysa caqabadaha ay la kulanto sida joogtada waxaa ay tiri: “ Waxaan la kulmaa caqabado badan Afgooye ayaad aadeysaa arigii la qalaayay ayaad ka dooneysaa, waxaad la kulmeysaa mararka qaar qarax, kii ugu dambeeyay waan ka badbaadnay oo halis ayaan galnay, hadda waxaan hillibka ku iibinnaa meel ciidanka u dhaw  mararka qaar xabbado ayey furayaan iyaga oo tuugo bursanaya ama ciidanka dhexdiisa ayaa is xabbadeynaya marwalba halis ayan ku jirnaa”

Dhanka kale Maryan waxaa ay ka hadashay sida ay u maareyso marka uu hillibku ku baaroo oo suuq xumo ay ku dhacdo,  waxayna daboolka ka qaadday in aysan heli Karin Qaboojiye ay ku keydiyaan hillibka iyada oo sheegtay in aysan awoodin in ay soo iibsadaan  sidoo kale waaxay carrabka ku dhufatay in lacago badan laga qaado Xoolaha markii ay soo iibsadaan illaa ay ka qalaan waxayna Goobjoog u sheegtay: “ Hillibka mar waa uu kuu gadmaa balse inta badan suuqiisa waa uu yar yahay , markii uu baaro Qaboojiye ayaad galineysaa oo lacag ayaa lagaaga qaadaanaa  waxaana dhacda mararka qaar in uu hallaabo oo aad ku qasaarto oo aadan waxba ka macaashin. Afgooye markii la keeno Neefka Canshuur aya lagaa qaadaa ninkii kuu soo wadaayay lacag ayuu kaa qaadanaa gaarigii laguu soo saarayay lacag ayuu kaa qadaanaa Ninkii qalaayay lacag ayuu kaa qadaanaa intaas oo dhan jeebkeyga ayaan ka bixiyaa haddana qasaaroyinkiisa ayaa badan”.

Zamzam Cali waxaa ay ka mid tahay Haweenka nolosha qoyskeeda  ka maareyso iibinta hillibka  waxayna Goobjoog  uga warbixisay dhibaatooyinka soo wajaho xiiliyadda ay suuqa u soo shaqo tagaan iyadoo sii qoto-dheer farta ugu fiiqday xaaladda adag ee ay ku shaqeeyaan waxayna tiri

“ waxaynu ka cabaneynaa hillibka dhibaato naga soo gaarto Waxaa jirto in maalintii aan qali jirnay 3 illaa 5 neef oo Ari ah haddana waxaa laga yaabaa inaan qalno 2 neef  oo subax iyo galab ah sababtuna waxay tahay dadka ma awoodaan in ay iibsadaan hilibka tusaale ahaan lugta hillibka oo qiimo ahaan noogu fadhiso 10 dollar waxay ku rabaan 5 dollar taasina qasaaro ayey nagu tahay, annagoo dhibkaas ku jirno waxaan dhibaato kala kullannaa Ciidanka dowladda kuwaas oo miisaska naga bur-buriyo  kaddibna dambiisha intaan ku gurno hilbaha ayaan la cararnaa  kakdibna maqayaadaha ayaan u geynaa oo deyn nooga qaato iyo waliba lacago raqiis ah oo aan qasaaro ku qabno, lama soo koobi karo dhibaatooyinka aan maalin walba wajaho”.

Zamzam oo hadalkeeda sii wadato ayaa waxay baaq u dirtay dowladda Soomaaliya iyadoo cod-dheer ku sheegtay in laga caawiyo goobo ay ku iibiyaan hillibka sidoo kale waxay tilmaamtay halista ay kala kulmaan waddooyinka ay wax ku iibiyaan iyada oo xustay dumar xabbado wiifto ah ku dhintay  waxayna tiri : “ Dowladda waxaan ka codsaneynaa in ay noo dhisaan suuq aan ku iibinno  hillibka oo aad u wanaagsan, laba gabdhood oo xaamilo ahaay ayaa ku dhintay rasaas ay ciidanku fureen kakdibna waa ay geeriyoodeen kuwaas  oo miisaskoodu  ku sugnaa,  dhibaatooyinkaas iyo kuwa kale ayaan si joogto ah ula kulannaa. Intaas waxaa noo sii dheer laaluushka aan bixinno haddii dowladdu meel ka baxsan laamiga noo sameeyn laheyd nafteenna waa noo bad-baadi laheyd biilka carruurtana waan heli laheyn annaga oo aanan halis galin”.

Si kastaba Haweenka ku iibiyo hilibka degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa ku shaqeeya daruuf aad u adag waxayna dambka u shidaan kummannaan ruux kuwaas oo u badan carruuur agoon ah iyo qoysas dan-yar ah haddana  ma helaan suuqyo ay ku iibiyaan xoolaha ay qalaan,  hareeraha waddooyinka ayeyna la fariistaan miiskaska hillibka, dhowr jeer ayaa maamulka Gobolka Banaadir ka raray goobahaas iyaga oo aan wax dib u dejin ah u sameyn mana jirto cid kale oo mas’uuliyad iska saartay Haweenkaan laf-dhabarta u ah bulshada Soomaaliyeed qeybaheeda kala duwan.

Hooyooyinka Soomaaliyeed ayaa dhabarka u ritay sidii ay u maareyn la’haayeen nolol maalmeedka qoyskoodu ugana hortagi la’haayeen  dhibaatooyinka kala duwan ee kusoo wajahan noloshooda, waxaana gebi ahaanba meesha ka maqan ciddii ka taakuleyn laheyd culeys badan ayaa soo gaara xilliga ay raadinayaan quudka nolosha dadka ay biilaan si gaar ah kuwa iibiya ama ka ganacsada hillibka xoolaha  Magalaada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.

Waxaa Qoray: Liibaan Cabdi Warsame

Mawduucyada:Gobollada