U bood dhigaalka

Dhimasho Iyo Dhaawac Ka Dhalatay Askar Ka Wada Tirsan Koonfur Galbeed Oo Ku Dagaallamay Baydhabo

Sheeko:Dalka

Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa ku waramaya in askar ka wada tirsan maamulka Koonfur Galbeed ay maanta ku dagaallameen magaaladaasi.

Inta la xaqiijiyay Seddax qof oo Labo ka mid ah ay ahaayee dad shacab ah ayaa ku geeriyootay israsaaseyntaasi halka ku dhawaad Shan qof kale dhaawac uu kasoo gaaray.

Israsaaseyntaan ayaa timid kadib markii la sheegay in askar ka tirsan Koonfur Galbeed ay isku dayeen in si awood ah ay kusoo xiraan askari kale oo isla iyaga ah, kaasi oo ku sugnaa goob maqaayad ah.

Xaaladda guud ee magaalada Baydhabo haatan waa ay deggan tahay, iyadoo lasoo sheegayo halka dhibaatadu ay ka dhacday ay gaareen ciidamo kale.

Dhacdooyinka sidaan oo kale ah ayaan ahayn kuwo ku cusub deegaannada uu ka arrimiyo maamulka Koonfur Galbeed.

Goobjoog News