U bood dhigaalka

Dhinacyada Sudan oo Markale Jabiyay Heshiiskii Jeddah iyo Dagaal Dib u Qarxay

Sheeko:Caalamka

Magaalada Khartoum ee caasimadda dalka Sudan ayaa waxaa markale dib uga qarxay iska hor imaadyo xooggan oo u dhaxeeya ciidanka dowladda iyo kuwa gurmadka degdega ah ee RSF, maalin kadib markii dhinacyadu ay gareen heshiis Xabadjoojin ah, taas oo ka dhalatay wadahadallada ka socda magaalada Jeddah ee Sucuudiga.

Saacado ka hor inta aan la saxiixin kordhinta, dadka deegaanka ayaa soo sheegay dagaal xooggan oo ka dhacay dhamaan seddexda magaalo ee isku xiga ee ka kooban caasimadda weyn ee Suudaan ee ku xeeran halka ay ku kulmaan webiga Niil – Khartoum, Omdurman iyo Khartoum Waqooyiga, waxaana wali socda iska hor imaadyo.

Taliyaha Guud ee Ciidanka Sudan Cabdilfitaax Al-Burhaan ayaa Talaadadii hawada u mariyay digniin ku socota Ciidamada Taageerada degdega ah (RSF), isagoo in badan ku nuux-nuux haddii ay u hoggaansamin awaamiirta, waxaana uu ku goodiyay in laga faa’iidaysan doono awoodda dilaa ah, kuwaas oo ah ciidanka keydka dalkaasi.

Hogaamiyaha ciidamada General Abdel Fattah al-Burhan ayaa la arkayay isagoo salaamaya ciidamada isagoo wata muuqaal naadir ah, isaga oo sheegay in ciidamadu ay ogolaadeen kordhinta xabad joojinta si loo fududeeyo adeegyada ay muwaadiniinta u helaan, laakiin waxaa uu ku eedeeyay xoogagga RSF in ay duulimaadka wadaan.

Dowladaha Mareykanaka iyo Sucuudiga ayaa garwadeen ka ahaa wadahadllo u dhaxeeyay Wakiillo ka kala socday dhinacyada, waxaana lagu gaaray xabadjoojin, taas oo laba dhinac ay ballan qaadeen in ay fulinayaan, laakiin ma noqon mid hirgasha, waxaa maalin ka dib dib u qarxay iska hor imaadyo ka dhacay magaalooyin kale duwan.

Sucuudiga iyo Mareykanka ayaa ku goodiyay in ay tallaabo ka qaadi doonaan cidii jabisa xabad joojinta la garaay, walow aan la ogeyn nuuca ay noqon doonto tallaabada ay qaadayaan dowladahaan, kuwaas oo muddooyinkii dambe garwadeen ka ahaa wadahadallada u socday wakiillada labada dhinac ee ku sugan magaalada Jeddah.

Goobjoog News