U bood dhigaalka

Dhismaha Wadada 30-ka Waxaa Ku Baxeyso 5 Milyan Oo Dollar, Waa 11 KM Oo Labada Dhinac Ah

Sheeko:Dalka

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo guddoomiyaha  gobolka Banaadir Taabit Cabdi Maxamed ayaa maanta si wadajir ah u dhagax dhigay waddada Sodonka ee magaalada Muqdisho.

Waddada (30)Sodonka ee Muqdisho waxaa dhererkeeda lagu sheegay 5.5 KM, balse waxaa laga dhisi doonaa labada dhinac ee jidka, waxaa uu noqon doonaa ilaa 11 KM, waxaa ku baxeysa lacag ka badan 5 Milyan oo Dollar, sidaa waxaa Goobjoog News u xaqiijisay shirkadda dhismaha.

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Khayre oo goobta ka hadlay waxaa uu sheegay in dhismaha wadadan uu wax badan ka tari doonto sugidda ammaanka iyo kor u kaca  dhaqaalaha dalka.

Dhankiisa waxaa uu guddoomiyaha gobolka Banaadir Thabit Cabdi sheegay in lacagta dhismaha ku baxeyso ay bixiyeen Dowladda hoose, iyo shacabka deggan wadada 30-ka hareeraheeda.

Guddoomiyaha cusub ee degmada Hodan Maxamed Axmed Cantoobo oo dhagax dhigga Goobjoog ka ahaa, waxaa uu sheegay in ay tahay mid halbowlo u ah  magaalada Muqdisho oo u dhaxeysa Warshadda Caanaha illaa Fagax, waxa aay ka bilaabataa dagmada Hodan, waxa aay martaa degmooyinka Howl-wadaag, wardhiigley iyo yaaqshiid.

Dhismaha waxaa fulineyso Shirkadda dhismaha ee Kulmiye, mana sheegin shirkadda inta ay ku qaadaneyso dhismaha wadada.

Goobjoog News