Dhismaha Wejiga Koowaad Ee Garoonka Diyaaradaha Garoowe Oo Gebogebo Maraya

Wasaaradda Hawada iyo duulista maamulka Puntland ayaa sheegtay in meel gebogebo ah marayo dhismaha wejiga Koowaad ee garoonka diyaaradaha magaalada Garoowe.

Wasiirka wasaaraddaasi Xasan Xaaji Saciid oo wareysi siiyey Goobjoog News ayaa ugu horreyn sheegay in maalmaha soo aadan la dhammeyn doono wejiga Koowaad ee Dhismaha Garoonka.

Sidoo kale wasiirka ayaa sharaxaad ka bixiyey sababta ka dambeysay maaalmo ay hakad gashay shaqadii laga hayey Garoonka diyaaradaha Garoowe, wuxuuna sababta ku sheegay cillado ku yimid qaar ka mid ah makiinadihii dhagxaanta burburinayey balse dib loo sameeyay.

“Garoonkii Garoowe dhismahiisa qeybii hore meel gebogebo ah bay mareysaa, wey wada socdaan dhammaan howlaha looga baahan yahay garoonka sida dhabaha diyaaradda, meeshii la dhigi lahaa iyo wax walbo oo lagama maarmaan ah, waxaan waxbo kama jiraan ku sheegayaa in hakad gashay shaqadii garoonka diyaaradaha Garoowe, maalmo dhoweyd baa cillad yar gashay makiinadda dhegxaanta shiidda waana la hagaajiyey”

Dhanka kale waxaa soo baxayey maalmihii ugu dambeeyay warar sheegayey in la musuqay qarashkii loogu talogalay in lagu dhiso garoonka, wasiirka oo aynu wax ka weydiinnay jiritaanka arrintaasina waa uu beeniyey.

“Musuq ma jiro laakiinse waa war iska dicaayad ah iyo warbaahinta qaar oo aan waxbo hubsan, ma jirto wax carqalad ah oo jirta, nidaamka dhismaha Labo qeyb ayeey tahay midda Koowaad waa dhammaad oo lacagteeda waa la bixiyey midda kalena maalmahan baan sugeynaa” ayuu yiri wasiirka.

Garoonka diyaaradaha Garoowe ayaa loo dhisayaa qaab casri ah, iyadoo wejiga Koowaad markii uu dhammaado la gudageli doono wejiga Labaad ee dhismaha Garoonka.

Goobjoog News

Related Articles

21 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW