U bood dhigaalka

Dhuusamareeb: Waxgarad Dhaliilay Dowladda Federaalka

Sheeko:Dalka

Kulan ay isugu yimaadeen waxgaradka ku nool magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud ayaa waxay ku eedeeyeen dowladda Federaalka Soomaaliya oo ay sheegeen in shacabka ku nool gobolkaasi xuquuqdii dowladda ku lahaayeen in aysan ka helin.

Waxay sheegeen waxgaradkan sidoo kale in dowladda ay joojisay hay’adihii samafalka ahayd ee ka howlgalayey deegaannada uu ku sugan yahay maamulka Ahlu-sunna Waljameeca.

Waxgaradkani ayaa soo hadal qaaday dagaallo ka dhacay degmooyinka Dhuusamareeb iyo Guriceel oo ay sheegeen inay ahaayeen dagaallo siyaasadeesan oo saameyn ku yeeshay adeegyada muhiimka u ah shacabka ku nool degmooyinkaasi.

“Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid mar hadii ay noo diideen xuquuqdii aynu dalka ku lahayn, hadii ay duulaan noogu dareen markii aynu ka weynay xuquuqdeenna, waxaan caalamka u sheegaynaa in waxa hadda ay ku jiraan ee 2016-ka oo uu abaabulayo Xasan Sheekh inuusan wakiil nooga ahayn, annagu dowladdu maanu diidin laakiin iyadaa na diidday, wixii ka dambeeya xilligaan waxaan cadeynaynaa in dowladna aanay inoo ahayn wakiilna inooga ahayn waxa ay qabaneyso, beesha caalamka waxaan ugu baaqeynaa inay aragto xaq darada nalagu haayo” sidaasi waxaa yiri mid ka mid ah Odayaashii dhaqanka ee kulankaasi ka hadlay.

Sidoo kale mid kale oo ka mid ah waxgaradkaan ayaa yiri “Waan rabnaa dowlad, dowlad goboleed waa inoo dhisan yahay, waxaana dooneynaa inaan xor u nahay xuquuqdeena, nabad weeye wadanka , qof laga baqaya ma jiro, marka waxaan dooneynaa in xuquuqdeena helno”

Sidan oo kale dhowr jeer waxgarad ku kulmay degmada Dhuusamareeb waxay dhaliil usoo jeediyeen dowladda Federaalka ee Soomaaliya.

Degmada Dhuusamareeb waxaa ka taliya Ahlu-sunna Waljameeca, waana caasimadda maamulka Galmudug, inkastoo ay si KMG ah ugu shaqeeyaan degmada Cadaado.

Goobjoog News