U bood dhigaalka

Dib u Dhis Ka Socda Magaalada Dhuusamareeb Ee Gobalka Galgaduud

Sheeko:Dalka

Degmada Dhuusamareeb ee gobalka Galgaduud waxaa ka soconaya dib u dhis ballaaran, wixii ka dambeeyay markii madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu sheegay in magaaladaasi ay xarun u noqoneyso maamulka loo sameynayo gobalada Mudug iyo Galgaduud.

Wariyaheena Cabdiweli Jaamac Barre oo howlo shaqo ku jooga gobalka Galgaduud ayaa ku sugan degmada Dhuusamareeb, waxaana uu la kulmay qeybaha kala duwan ee bulshada si uu ugu kuurgalo isbedalka ka socda degmadaasi.

Dadka uu wariyaheena la kulmay waxa ay sheegeen in degmada ay isbedal xoogan ku sameynayaan, islaamarkaana muuqaalka Dhuusamareeb uu noqon doono mid dad badan soo jiita.

Magaalada waxaa la dhisayaa guryo badan qaarkoodna waa kuwo cusub, halka kuwo kalena dayactir lagu sameynayo.

Nalalka cadceeda ku shaqeeya ayaa lagu xiray meelo badan oo ka mid ah degmada Dhuusamareeb, waxaana sidoo kale socda dhismaha goobaha danta guud.

Xaruntii weyneyd ee gobalka ayaa hadda waxaa ku socda dhisme, kaasi oo gabagaba maraya, waxaana sidoo kale la dhisayaa suuq aad u weyn oo lagu kala iibsan doono xoolaha nool.

Shalay ayaa magaaladaasi waxaa ka dhaqan galay amar maamulka Dhuusamareeb soo rogay, kaasi oo ku aadan in gabi ahaanba la burburiyo dhismayaasha sida sharci darrada ah ugu yaalla hareeraha wadooyinka.

Maalinba maalinta ka dambeysa waxaa degmadaasi ku qulqulaya shacabka badan oo Soomaaliyeed, dadkaasi qaarkoodna waa kuwo ka yimid dalka dibadiisa.

Goobjoog News