U bood dhigaalka

Dibadbax Ka Dhan Ah Amni Darada Oo Ka Dhacay Garbahaarey

Sheeko:Dalka

Banaanbax ka dhan ah amni xumida ka taagan degmada Garbahaarey ee xarunta gobalka Gedo ayaa maanta ka dhacay degmadaasi, kaasi oo ay dhigeen shacab aad u badan.

Dadkaan ayaa watay boorar waaweyn oo ay ku qoreen erayo nabadda ku saabsan sidoo kalena lagu dalbanayo in la joojiyo dilalka iyo dhibaateynta dadka shacabka ah.

Nabadoon Maxamed Cabdullaahi oo ku sugan magaalada Garbaharey ayaa u sheegay Goobjoog News in shacabka markii ay u adkeysan waayeen amni darada ay dibadbaxaan u sameeyeen.

“Banaanbax nabadeed buu ahaa, dad badan ayaa isugu soo baxay, waxaana lagu dalbanayay in amni la helo, waxaa dadka dhibay adeerow dilalka degmada kusoo bato iyo rabshado maalmahaan jiray” ayuu yiri Nabadoonka.

Degmada Garbahaarey waxaa maalmihii ugu dambeeyay ka dhacayay falal amni darro ah, waxaana ka dhacay magaalada dilal iyo falal kale oo amniga wax u dhimaya.

Goobjoog News