U bood dhigaalka

Dibadbax Ka Dhan Ah Xadgudubka Kenya Oo Maanta Ka Dhacay Degmada Garbahaarey Ee Gedo

Sheeko:Dalka

Dibadbax ballaaran oo ay dhigayeen shacab badan kana dhan ah xadgudubka Kenya ee degmada Baladxaawo ayaa maanta ka dhacay degmada Garbahaarey ee xarunta gobalka Gedo.

Odayaal, Haween, Dhallinyaro iyo ardayda degmada Garbahaarey ayaa dibadbaxni dhigay, waxaana ay ku hadaaqayeen erayo ay ku miijinayeen sida ay uga xunyihiin xadgudubka Kenya.

Maamulka Gobalka Gedo ee Jubbaland ayaa meel fagaare ah kula hadlay shacabkii isku soo baxa sameeyay, waxaana mas’uuliyiinta maamulkaasi ay sheegeen in marnaba aysan u dulqaadaneyn xadgudubka Kenya.

Nabadoon Cabdullaahi Ereg oo ka mid ahaa waxgaradkii ka qeybgalay dibadbaxani ayaa u sheegay Goobjoog News, in isku soo baxooda uu ka tarjumayay sida ay ku diidan yihiin dhismaha darbiga Kenya iyo sidoo kale kusoo xadgudubka degmada B/xaawo.

“Waxaa laga cabanayaa faragelinta Kenya ay ku hayso dhulka Soomaaliyeed, looma kala harin, shacab, siyaasiyiin, ganacsato, arday, dhammaan waan isugu soo baxnay, waan cadeynay in aan diidannahay faragelinta Kenya” ayuu yiri Nabadoonka.

Sidoo kale Nabadoon Ereg ayaa sheegay in ay dibadbaxani ku taageerayeen tallabada Baarlamaanka ee ku aadan xadgudubka Kenya.

Guddi xaqiiqo raadi ah oo ka kooban Labada gole ee dowladda Federaalka ayaa ku sugan degmada B/xaawo ee gobalka Gedo, si ay u ogaadaan xadgudubka xuduudda ee ay sameysay dowladda Kenya.

Goobjoog News