U bood dhigaalka

Dibadbax Kale Oo Ka Dhan Ah Dowladda India Oo Ka Dhacay Degaanka Ceelhuur Ee Mudug

Sheeko:Dalka

Wararka naga soo gaaraya degaanka Ceelhuur ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in maanta halkaasi uu ka dhacay dibadbax ballaaran.

Dibadbaxani ayaa waxaa soo agaasimay dhallinyarada degaanka iyo ururka haweenka Ceelhuur waxaana socod dhaadheer ay ku mareen waddooyinka waa weyn ee degaankaasi.

Dadka dhigayay dibadbaxa oo u badnaa haween iyo dhallinyaro iyo waxgaradka degaanka ayaa waxay ku qeylinayeen in ay ka soo horjeedaan xukun la sheegay in Dowladda Hindiya ay ku riday dhallinyaro Soomaaliyeed.

Dadweynaha ayaa ku qeylinayay doonimayso dowladda Hindiya waana ka soo horjeednaa xukunka ay ku ridday dhallinyarada Soomaaliyeed.

“Walaal annaga oo ah bahdii dhallinyarada iyo haweenka degaanka Ceelhuur ayaa soo agaasinnay dibadbaxa waxa weeye waan diidannahay dowladda Hindiya xukunka ay ku riday dhallinyarada Soomaaliyeed ee gaaraya Kontonka wiil” ayuu yiri mid kamid ah dhallinyarada oo la hadlay Goobjoog News.

Dhanka kale, maamo kamid ah haweenkii dibadbaxani ka qeyb galay ayaa iyana Goobjoog News u sheegtay in ay dowladda Hindiya ugu baaqayaan inay sii deyso dhallinyarada Soomaaliyeed oo wadankooda maxkamad lagu saaro.

Dibadbaxa ayaa dadkii ka hadlay badi waxay hadalka ku adkeeyeen in dowladda Soomaaliya ay la soo wareegto muwaadiniinteeda oo aan wax maxkamad ah lagu saari Karin dalka Hindiya.

Degaanka Ceelhuur iyo degaanno kale oo ka tirsan gobolka Mudug ayaa dibadbaxyadani ay ka dhaceen maanta kuwaas oo looga soo horjeeday dowladda Hindiya.

Goobjoog News