U bood dhigaalka

Dibadbax Rabshado Watay Oo Maanta Ka Dhacay Magaalada Burco (Sawirro)

Sheeko:Dalka

Shacab farabadan islamarkaana ka carreysan muddo kordhinta golaha guurtida Somaliland u sameeyeen xukuumadda uu hogaamiyo Siilaanyo ayaa dibadbax waxa ay ka dhigeen magaalada Burco ee gobalka Togdheer.

Dadkaan ayaa isugu soo baxay wadooyinka waaweyn ee magaaladaasi, waxaana sidoo kale wadooyinka ay ku gubeen taayerada gaadiidka iyagoo sidoo kale laamiyada qaar dhigay dhagxaan farabadan.

Waxa ay dadkaan ku hadaaqayeen erayo muujinaya in marnaba aysan raali ka ahayn sida ay sheegeen mudda maanta la kordhiyay, waxaana ay ahaayeen taageerayaasha xisbiga Wadani.

Ciidamada Booliiska ayaa bilaabay in ay kala eryaan dadkaasi, waxaana sidoo kale ciidanka ay la wareegeen xaruntii dhexe ee xisbiga Wadani gobalka Togdheere, waxaana loo diiday in halkaasi ay galaan mas’uuliyiinta xisbigaasi.

Xaaladda guud ee magaalada Burco waa mid aad u kacsan, waxaana shacabka la sheegayaa in weli ay wadaan dibadbaxa, waxaana sidoo kale laga baqayaa in meelo kale oo Somaliland ka mid ah ay sidaan oo kale uga dhacaan dibadbaxyada.

Halkaan hoose ka daawo sawirada.

D11 D10 D9 D8 D7 D6 D5 D4 D1

Goobjoog News