Dilal Qorsheysan Oo Ka Dhacay Magaalada Laascaanood Ee Sool

Rag hubeysan ayaa siyaabo kala duwan waxa ay Labo ruux ugu dileen degmada Laascaanood ee gobolka Sool.

Fiidkii xalay ayaa waxaa degmadaasi lagu dilay shaqsi magaciisa lagu sheegay Jaamaca Cabdi oo kamid ahaa dadka deegaanka, walibana aad loo garanayo, waxaana dilay rag ku hubeysan Bistoolado, kuwaa oo goobta ka baxsaday dilka kadib.

Sidoo kale saacado kahor dilkaasi waxaa isla magaalada Laascaanood lagu dilay shaqsi kale oo isna magaciisa lagu sheegay C/xakiin Ducaale, waxaana halkaasi ka baxsaday raggii dilkaasi ka dambeeyay.

Ciidamada ammaanka ee magaalada Laascaanood ayaa halkaasi ka wada howlgallo ballaaran oo amniga lagu xaqiijinayo, iyadoo aaney jirin cid ay dilalkaasi usoo qabteen.

Magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, waxaa maalmihii ugu dambeeyay kusoo badaneyey dilalka sidan oo kale ah.

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW