Diyaarad Drone Ah Oo Ku Dhacday Sh/hoose

Wararka Goobjoog News ay ka heleyso degaanka Bariire ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa ku warramaya in diyaarad nuuca wax basaasa ay ku dhacday degaankaasi.

Dadka degaanka oo la hadlay Goobjoog News waxay sheegeen in diyaaraddani Drones-ka ahayd ay qaateen Alshabaab.

Dagaalyahannada Alshabaab ayaa furfuray oo dabadeedna baabuur ku qaatay diyaaraddaasi ku dhacday degaanka Bariirre.

War Xarakada Alshabaab ay ku baahisay barta Internetka ayay ku sheegtay in diyaaraddaasi ay gacanta ku dhigeen islamarkaana ay leedahay dowladda Maraykanka.

Dadka degaanka ayaa cabsi aad ah muujinaya oo ku aadan in ciidamada AMISOM ay gaaraan degaankaasi oo hadda u jira qiyaas dhan 10KM, waxaana diyaaradahani muddooyinkii dambe ay weerarro qorsheysan lagaga fulinayay degaannada Alshabaab kaga sugan yihiin Shabeellaha Hoose.

Bishii la soo dhaafay ayay ahayd markii ciidamo caddaan ah oo loo malaynayo inay ka tirsan yihiin Maraykanka iyo kuwa Soomaali ah ay weerar ku ekeeyeen degaanka Tooratoorow oo ay maamusho Alshabaab.

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW