U bood dhigaalka

Diyaarado Dagaal Oo Duqeeyay Saldhigyo Al-shabaab Ku Lahaayeen Gedo

Sheeko:Dalka

Faah faahin dheeraad ah ayaa laga helayaa duqeyn diyaarado dagaal oo loo maleynayo in laga leeyahay dalka Kenya ay xalay u geysteen saldhigyo ay Al-shabaab ku lahaayeen deegaan kamid ah gobolka Gedo.

Diyaaradahan ayaa duqeyntan la eegtay saldhigyada Al-shabaab ku leeyihiin deegaanka Kulmis oo duleedka ka ah degmada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo.

Lama oga illaa iyo hadda khasaaraha ka dhashay duqeyntan, hase ahaatee diyaaradahan ayaa la xaqiijiyey in dhowr gantaal ku dhufteen halkaasi.

Maamulka gobolka Gedo iyo Al-shabaab kama aanay hadal duqeyntan ka dhacday duleedka Garbahaarey.

Marar badan sidan oo kale waxaa diyaarado dagaal  oo ay leeyihiinKenya iyo Marykanka duqeyn ka geysteen deegaanno kamid ah gobolka Gedo iyo gobollada Jubooyinka.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News