U bood dhigaalka

Diyaarado Joog Hoose Ku Socda Oo Dul Wareegaya Deegaanno Ka Tirsan Gobalka Galgaduud

Sheeko:Dalka

Dadka ku dhaqan deegaanka Docolley ee gobalka Galgaduud ayaa cabasho ka ah diyaarado dagaal oo joog hoose ku socda, kuwaasi oo qalqal ku beeray dadka iyo Duunyada.

Gudoomiyaha deegaankaas Cilmi Axmed Adan Jabuuti oo la hadlay Goobjoog News, ayaa asheegay in diyaaradahan dhibaato badan ay ku qabaan dadka deegaanka iyo xoolaha.

Waxa uu tilmaamay gudoomiyaha in diyaaradahan ay yihiin kuwa loo yaqaano Helicopter ayna dhibka ugu badan ku hayaan dad xanuunsan oo deegaanka ku sugan oo uu sheegay in hadda aysan garaneen meel ay ka aadaan qeyladooda, xoolihiina ay ku kala cararayaan.

“Dhibaato badan ayaan ku qabnaa diyaaradahan, maalmahan dambe Laba diyaarad oo Helicobter ah baa na wareeriyay, meel ay nooga yimaadeen ma naqaan, dadka xanuunsan aad bay ugu dhib qabaan, sidoo kale xoolihii wey naga kala yaaceen” ayuu yiri gudoomiyaha.

Ma jirto faah faahin dheeraad ah oo laga helayo diyaaradahan dagaal ee dul heeheebayada deegaanka Docolley ee gobalka Galgaduud, dalka laga leeyahay iyo ulajeedkooda.

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada