U bood dhigaalka

Dowlada Soomaaliya ayaa sheegtay in ay Fal danbiyeed tahay Cidii baahisa Fikirka iyo Wararka Alshabaab

Sheeko:Dalka

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska, Cabdiraxmaan Sheekh Yuusuf Alcadaala, oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta wasaarada warfaafinta ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay gebi ahaanba fal dambiyeed u aqoonsaneyso baahinta fikradaha ururka alshabaab.

Alcadaala ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay xirtay 40 barood oo alshabaab ay ku baahinayeen wararkooda sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaa la mamnuucay Baahinta Wararka Argagixisada, talaabooyin ayay qaadday dowladda waxaana la xiray ilaa 40 barood oo Khawaarijtu Ku baahineysay Wararkeeda, waxana la beegsan doonaa Warbaahin kasta ama shaqsi kasta oo lagu helo faafinta farriinta Kooxdaas” ayuu yiri Wasiir ku-xigeenka wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska, Cabdiraxmaan Sheekh Yuusuf Alcadaala.

Goobjoog News