U bood dhigaalka

Dowladda Federaalka Oo Loogu Baaqay Xallinta Beelaha Weli Dhaliilsan Shirka Jowhar

Sheeko:Dalka

Waxaa la filayaa in dhawaan magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabellaha Dhexe uu ka furmo wejiga Labaad ee shirka maamul u sameynta gobollada Shabellaha dhexe iyo Hiiraan, waxaana halkaasi ku qulqulaya wufuud kala duwan.

Ammaanka guud ee magaalada Jowhar ayaa ah mid aad loo adkeeyay, waxaase dhinaca kale isa soo taraya baaqa waxgaradka gobolladaasi oo ku saabsan in lasoo afjaro dhammaan tabashada ay qabaan qaar ka mid ah beelaha degga gobolladaasi ee shirka Jowhar.

Nabadoon Xasan Qaasim oo ka mid ah waxgaradka gobolka Shabellaha dhexe ayaa isaga oo la hadlay Goobjoog News waxa uu dowladda Federaalka ugu baaqay inay u dhega nuglaato beelaha weli dhaliilsan shirka Jowhar kahor inta aanu shirka billaaban.

“Dowladda waxaa laga doonayaa inay u dhega nuglaato beellaha weli wax tabanaya, cid walbo oo wax qoonsan baa la doonayaa in wada hadal lala galo, waxaan ugu baaqayaa dowladda Federaalka iyo Odayaasha dhaqanka guud ahaan in aysan yareesan arrintaasi” ayuu yiri Nabadoon Xasan.

Sheekh Xuseen Cali oo ah guddoomiye ku xigeenka dhanka arrimaha bulshada ee maamulka gobolka Hiiraan oo isna Goobjoog la hadlay ayaa sheegay in ergada maamulka gobolka Hiiraan ay ku sugan yihiin magaalada Jowhar, islamarkaana la sugayo kuwa Shabellaha Dhexe inay soo xaroodaan.

Sidoo kale guddoomiye ku xigeenka ayaa sheegay in la filayo in mar kale madaxweyne Xasan Sheekh uu mar kale dib ugu laabto magaalada Baladweyne, islamarkaana lasoo qanciyo beellaha weli dhaliilsan shirka Hiiraan.

Magaalada Jowhar waxaa la filayaa in maalmaha soo aadan uu ka furmo wejiga Labaad ee shirka Jowhar, inkastoo weli ay jiraan beello saluugsan shirkaasi.

Goobjoog News