U bood dhigaalka

Dowladda Federalka iyo Beesha Caalamka oo Ka Shiray Dhibkii Ka Dhacay Suuqa Hargaysa

Sheeko:Dalka

Ra’iisalwasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa maanta guddoomiyay shir u dhaxeeyay dowladda federalka iyo beesha caalamka, waxaana diiradda lagu saaray musiibadii ka dhacday suuqa Hargaysa.

Waxaana intii uu shirka socday aad loogu falanqeeyay sidii loogu gurman lahaa ganacsatadii ku hanti beeshay dabkii ka kacay suuqa wayn ee magaalada Haygaysa, kaas oo ay ka dhalatay saamayn badan oo soogaaray suuqa.

Tan iyo markii suuqa uu dabka qabsaday waxaa socday gurmadka lagu samata bixinayo dadkii xoolahooda ku waayay suuqa, waxaana dowladda federalka iyo ganacsatada Soomaaliyeed ugu  yabooheen lacag $3,000,000 ah.

Waxaa sidoo kale kulan kaan uu kusoo aadayaa iyadoo Ra’iisalwasaaraha dalka uu amar ku bixiyay in sida ugu dhaqsiyaha badan Somaliland loogu fasaxo lacag $11,700,000 deeq ah oo horay looga xayiray sanadkii 2018-kii.

Goobjoog News