U bood dhigaalka

Dowladda Mareykana oo sheegtay inay kala shaqeyneyso Soomaaliya la dagaallanka Alshabaab

Sheeko:Dalka

Xoghaya difaacada dowladda Maraykanka Lloyd James Austin, ayaa sheegay in ay washington ay dooneyso in ay Soomaaliya ku garab siiso dagaalka ka dhanka ah ururka alshabaab.

Lloyd ayaa carabka ku dhuftay in kulamada ay la qaateen madaxweynaha Soomaaliya, u sheegeen in ay si gaar ah ay muhiimad u siinayaan dagaalka ka dhanka ah ururka alshabaab.

“Soomaaliya iyo geeska Africaba waxay galeen xaalad xasaasi ah oo kala-guur ah. Xaaladdaan waa si gaar ah muhiimad u leh marka la eego colaadda ka socota Ethiopia, halista joogtada ah ee Alshabaab oo ay ugu geysanayaan weerarro arxan darro ah shacabka. Iskaashiga aan la yeelaneyno madaxweynaha waa mid muhiim ah waxaana diyaar u nahay ka saaxiibbo ahaan inaan idinka caawinno sidii aad isku difaaci lahaydeen adinkoo ka hortagaya qaswadeyaasha,” ayuu yiri Xoghaya difaacada dowladda Maraykanka Lloyd James Austin.

Dhinaca kale madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa dhankiisa sheegay in uu uga mahadcelinayo taageerada ay la garabtaagan yihiin dowladda Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in Alshabaab oo laga adkaado ay u baahan tahay tallaabooyin kala duwan oo ay ka mid yihiin ciidan amni oo heegan ah mas’uuliyadna muujiya, geeddi socod Qarandhis iyo arrimo kale.

“Waxaan doonayaa inaan uga mahadceliyo Dowladda Mareykanka saaxiibtinnimadaan aadka u muhiimka ah oo aad la yeelaneysaan dadka Soomaaliyeed ee aan ula dagaaleyno Alshabaab iyo sidoo kale taageerada iyo taageerada horumarineed ee bini’aadannimo. Waxaan ognahay in ka guuleysiga Alshabaab inay u baahan tahay tallaabooyin kal duwan oo ay ka mid yihiin ciidan amni oo heegan ah mas’uuliyadna muujiya, geeddi socod Qarandhis ah oo loo dhan yahay, awoodda qaranku u leeyahay inuu ilaaliyo sharciga iyo kala dambeynta iyo adeegyada loo baahan yahay ee shacabka. Dhammaan arrimahaani Dowladda Mareykanku waa nagala shaqeyneysay aadna waan uga mahadcelineynaa,” ayuu yiri Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Sikastaba madaxweynaha dalka oo ku sugan dalka Maraykanka ayaa waxa uu kulama la qaatay mas’uuliyiinta sar sare ee dowladda Maraykanka.

Goobjoog News