U bood dhigaalka

Dowladda Soomaaliya oo Ka Hadashay Howlgal Ciidamada Ay Ka Fuliyeen Deegaan Hoostaga Gobalka Hiiraan

Sheeko:Dalka

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in dagaal xalay xilli dambe ka dhacay deeegaan Abooreey oo qiyaastii  25-km dhanka bari ka xiga degmada Buula burte, ay ku dishay xubna ka tirsan ururka alshabaab.

Howlgalka oo ciidamada ay ka sameeyeen deegaanka Abooreey ayaa waxaa lagu dilay in kabadan 30 xubnood oo kamid ah ururka alshabaab.

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sidoo kale war-saxaafadeed ka soo baxay lagu sheegay in dagaalladii ugu dambeeyay ee ciidamada dowladda oo kaashanaya dadka deegaanka lagu dilay in kabadan 150 kamid ah ururka alshabaab.