U bood dhigaalka

Dowladda Soomaaliya oo shaacisay liiska Baraha Shabaab laga xiray

Sheeko:Dalka

Dolwadda Soomaaliya ayaa shaacisay in ay hawada ka saartay qaar kamid ah baraha dhanka iInternet-ka ah ee lagu baahiyo wararka ururka alshabaab.

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda ee Soomaaliya ayaa shaacisay in la xiray qaar kamid baraha kala duwan ee bulshada ay ku lahaayeen ururka alshabaab.

War ka soo baxay wasaaradda ayaa lagu amray shirkada bixiya adeegyada baraha bulshada ay xiraan dhamaan baraha ay soo gudbisay wasaaradda, iyadoo qaar kalena horay looga saaray qadka.