U bood dhigaalka

Dowladda Soomaaliya oo Sheegtay in ay gacanta ku soo dhigtay Xubna ka tirsan Al-shabaab

Sheeko:Dalka

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay gacanta ku soo dhigtay saraakiil ka tirsan ururka alshabaab, halka kuwa kalena ay isku soo dhiibeen ciidamada dowladda iyo dadka deegaanka.

War ka soo baxay wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska ayaa lagu sheegay in ay afar xubnood oo uu horkacayay Maxamed Cali Xasan oo loo yaqaano Xudeyfa ay isku soo dhiibeen ciidamadda iyo kuwa dadka deegaanka.

Xubnaha isasoo dhiibay ayaa la sheegay in ay ahaayeen horjoogayaal ka tirsan ururka alshabaab, kuwaas oo muddooyinkii u dambeeyay dagaal kula jiray ciidamada dowladda.

Dhinaca kale warka ka soo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in sideed xubnood oo ka tirsan ururka alshabaab la soo qabtay xilli ay ku dhuumaaleysaneyen hawdka deegaannada maamulka Hirshabeelle.

Xubnaha la soo qabtay ayaa ahaa kuwa ka dagaalamayay deegaannada maamulka Hirshabeelle, halkaas oo bilihi la soo dhaafay ay ka dhaceen dagaallo aad u culus, kuwaas oo alshabaab looga qabsaday gobalada Shabeellaha dhexe iyo Hiiraan goobahii ay kaga sugnaayeen.

No photo description available.