U bood dhigaalka

Dowladda Soomaliya oo Ka Qeybgashay Shirka Wasaaradaha Dhallinyada Jaacadda Carabta

Sheeko:Dalka
Wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha XFS Mudane Xil Maxamed Barre Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay shirka 46-aad ee wasiirrada Dhallinyarada iyo cayaaraha wadamada Jaamacadda Carabta oo maanta ka furmay magaalada Jeddah ee Boqortooyada Sucuudi Carabiya.
Wasiir Maxamed Barre ayaa Shirka la wadaagay fursadaha iyo caqabadaha dhallinyarada Soomaaliyeed isaga oo muujiyay in raasumaalka ugu muhiimsan ee dalkiisu ku tashanayo uu yahay xoogga usoo kacayo oo ah inta badan Mujtamaca Soomaaliyeed 75%, wuxuuna si gooni ah u tilmaamay marxaladdan kala guurka ah ee dhallinyarada Soomaaliyeed ay marayaan iyadoo inta badan gobollada dalka iyo degmooyinkiisa laga xoreeyay cadowga Al-Shabaab oo awal ahaa caqabada ugu badan ee dhallinyarada Soomaaliyeed ka hor-taagan horumar inay sameeyaan.
Mudane Maxamed Barre Maxamuud ayaa khudbaddiisa ugu mahadceliyay Wasiirka dhallinyarada iyo ciyaaraha Boqortooyada Sucuudi Carabiya Amiir Abdulaziz Bin Turki Al-Faysal oo shirkan marti geliyay iyo wasiir Dr Ashraf Subxi Wasiirka dhallinyarada iyo cayaaraha Jamhuuriyadda Masar oo madax ka ah golaha fulinta wasiirrada Dhallinyarada iyo cayaaraha ee Jaamacadda Carabta.
Agaasimaha guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga JFS Mudane Cabdiraxiim Warsame Diiriye iyo xubno ka tirsan la-taliyayaasha Wasiirka ayaa ku weheliyay furitaanka shirkan Wasiir Maxamed Barre Maxamuud.
Goobjoog News
Mawduucyada:Gobollada