U bood dhigaalka

Dowladda Uganda oo ku dhawaaqday inuu dalkeeda ka dillaacay Cudurka Ebola

Sheeko:Dalka

Dowladda Uganda ayaa xaqiijisay ugu yaraan hal kiis oo ah xanuunka Ebola ah laga helay Dalkeeda.

Wasaaradda Caafimaadka Uganda ayaa maanta oo Talaado ah shaaca ka qaadday in nin dhintay maalin ka hor laga helay Fayraska Ebola.

Waxay sheegeen in ilaa hadda aan la garanayn sida uu ninkan ugu dhacay Ebola, kaasoo ku noolaa Degmada Mubende ee bartamaha Uganda oo qiyaastii 150 kiiloomitir ama 93 mayl dhanka galbeed ka xigta Caasimadda Uganda ee Kampala.

“Waxaan hadda aruurineynaa macluumaad dheeri ah oo ku saabsan isha suurtagalka ah ee caabuqa,” ayaa lagu yiri Bayaanka ka soo baxay Wasaaradda Caafimaadka Uganda.

Dowladda Uganda waxa ay ka qabsi qabtaa in xanuunkan uu gallaafto noloshada dad badan, iyagoo xusay in lix qof oo kale oo isla aaggaasi ah oo ay ku jiraan saddex carruur ah ay dhinteen horraantii bishan September, kuwaasoo la ildarnaa cudur ay mas’uuliyiinta deegaanku ku tilmaameen mid layaab leh.

Sida bayaanka lagu xaqiijiyey ninkan dhibanaha u noqday cudurka Ebola ayaa markii hore laga daweeyey xanuunno kale oo ay ku jirto duumada markii uu daryeel u raadsaday deegaanka uu ka soo jeedo.

Dalka Uganda waxaa dhowr jeer oo hore ka dilaacay xanuunka Ebola, waxaana ku jira midkii sanadkii 2000, kaasoo dilay boqolaal ruux.