U bood dhigaalka

Dowlaha Soomaaliya iyo Qatar oo ka Wadahadlay Gurmadka Abaaraha

Sheeko:Dalka

Guddoomiyaha Hey’adda Maareynta musiibooyinka Qaran Mudane Mahamoud Moallim Abdulle ayaa kulan la qaatay Safiirka dowladda Qatar u fadhiya Soomaaliya danjire Abdullahi Bin Salem Al Nuaimi, xilli guddoomiyaha uu booqasho ku tagay xarunta saafaradda dowladda Qatar ay ku leedahay Muqdisho.

Kulankan oo ka dhacay xarunta safaaarada dowladda Qatar ee muqdisho ayaa waxaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo ku aadan xaaladaha dhanka abaaraha ee ka jira Soomaaliya iyo doorka dowladda Qatar ee sidii ay kaalinteeda uga qaadan laheyd  la tacaalida arrimaha abaaraha ku dhftay dalka oo saameeyay.

Kulanka ayaa waxaa si gaar ah loogu gorfeeyay Gargaarka iyo Mashaariicda Hormarineed ee dalka ay ka wado Qatar iyo sidii loo laba jibaari lahaa, garab istaaga shacabka Soomaaliyeed, oo xilligaan la daala dhaca abaar ku dhutay,taas oo saameysay dadka iyo duunyada intaba gobollada Koonfurta Bartamaha iyo Waqooyiga Soomaaliya oo isku mid ay u saameysay.

Sidoo kale Hey’adda Sodma ayaa dowladda Qatar iyo Safiirka ka dalbatay in ay ka Caawiyaan Hay’adda Hormarinta Xarunta Gurmadka Deg-deg ah iyo xarumaha ka shaqeeya Xaaladaha guud ee Gurmadka Deg dega ah ee dalka ka jira, una noqon lahaayeen mid la jaan qaada Xarumaha Gurmadka Deg-Deg ah ee Geeska Africa.

Hey,adda Maareybta Musiibooyinka ayaa Dowladda Qatar iyo Hey’addaheeda ka shaqeeyo arrimaha binaadanimada ayaa mudo dheer ka shaqeynayay gudaha dalkeena ayagoo dadaal badan geliyay la tacaalida arrimaha abaaraha, sidoo kale fuliyay mashaariic horumarineed.

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada