U bood dhigaalka

Dunida oo laga xusayo Xuska Caalamiga ah iyo Xusuusta Dhibbanayaasha Argagixisada

Sheeko:Dalka

Iyadoo la xusayo maalinta caalamiga ah ee xuska iyo Xusuusta Dhibanayaasha Argagaxisada, Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa maanta sharaftay Soomaalida badan ee ay Rabshadahaas gacan ka hadalku saameeyeen, waxayna ku baaqday in iyaga iyo qoysaskoodaba loo fidiyo gurmad deg deg ah iyo weliba taageero muddada dheer ah.

“Qaramada Midoobay waxay taageero la garab taagan tahay dhammaan dhibanayaasha Soomaaliyeed iyo kuwa argagixisada ka badbaaday iyagoo ka bogsanaya jugtaa iyodhaawacyada soo gaaray, iyaga iyo qoysaskooda iyo bulshooyinkooda,” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan.

“Soomaaliya waxay horumar ammaan mudan ugu tallaabsatay waddada nabadda iyo xasilloonida, haddana iyadoo horumarkaas lagu jiro, waa in la maqlaa oo la qiraa codadka badbaadayaasha, lana dhawro xuquuqdooda – rabshadihii argagixisada ee dhammaadka todobaadka ka dhacay magaalada Muqdisho waxay xusuusin adag u tahay sida ay tani muhiimka u tahay,” ayuu raaciyay.

Golaha Loo Dhanyahay ee Qaramada Midoobay ayaa sanadki 2017-kii dejiyay Maalinta Caalamiga ah ee Xuska iyo Xusuusta Dhibanayaasha Argagixisada si loo sharfo loona taageero dhibanayaasha iyo kuwa ka badbaaday argagixisada iyo in kor loo qaado lana ilaaliyo ku naalooshada buuxda ee xuquuqdooda bini’aadminimo iyo xoriyaadkooda aasaasiga ah.

Qaramada Midoobay

Goobjoog News