U bood dhigaalka

Duqa Baladweyne Oo Shaqo Joojin Lagu Sameeyay

Sheeko:Dalka

Wareegto kasoo baxday wasaaradda arrimaha gudaha iyo dowladaha hoose ee maamulka Hirshabelle ayaa shaqada looga joojiyey duqii magaalada Baladweyne, Cali Cabdi Mahad Alle.

Wareegtadan oo uu ku saxiixnaa wasiirka wasaaraddan ayaa lagu sheegay in baahi weyn loo qabo in isbedal lagu sameeyo maamulka Baladweyne, islamarkaana shaqada laga joojiyey duqii magaaladaasi.

Xilka duqa B/weyne ayaa si KMG ah waxaa usii haynaya Cabdi Xuseen Cismaan Canjeex oo ahaa ku-xigeenka duqa magaaladan.

Mas’uulka xilkan laga qaaday weli kama aanu hadli arrintan, hase ahaatee xil ka qaadistiisa ayaa salka ku haysa muran ka dhashay lacago laga qaado Kastamka magaalada Baladweyne.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News