U bood dhigaalka

Duulimaadyada garoonka diyaaradaha Aadan Cadde oo hakad ku jira

Sheeko:Dalka

Hay’adda duulista rayidka Soomaaliyeed ayaa hakad gelisay duulimaadyada maanta oo arbaco, xilli ay sheegtay in dayactir lagu sameynayo garoonka,.

War ka soo baxay hay’adda ayaa lagu sheegay in 6:00am illa iyo 6:00pm ee maanta uusan jirin wax duulimaad ah oo ka baxaya magaalada Muqdisho.

“Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (SCAA) waxay ku wargelinaysaa Bulshada Soomaaliyeed iyo cidda ay quseyso in la hakiyay howlaha shaqo ee Garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle ee caasimadda Muqdisho, Arbacada berri ah  28/12/2022, laga billaabo lixda subaxnimo  (6am  illaa  6pm ee fiidnimo, sabab la xiriirta  dib u dayactir,” ayaa lagu yiri qoraalka hey’adda.