U bood dhigaalka

Duurjoogtii Soomaaliya Oo Kusoo Guryo Noqday Jubada Hoose

Sheeko:Dalka

Warbaahinta caalamka ayaa qortay in duurjoogtii dalka Kenya ay usoo baxsatay gudaha dalka Soomaliya, waxaana ka mid ah duurjoogta soo gashay Soomaaliya  Maroodiga, Lo gisiga, Goronyada, Libaaxa, Haramcasta, Geriga iyo kuwa kale oo badan waxaana ugaartaas badankeed lagu arkay gobolka Jubada Hoose.

Duurjoogta ayaa la aaminsanyahay iney kasoo barakaceen keynta Boni ka dib markii halkaas ay ka dhaceen marar is xigxiga dagaalo dhexmaray xarakada Al-shabaab iyo ciidamada dalka Kenya, waxaana ammaan darida ka dhalatay ay sababtay iney usoo qaxaan gudaha Soomaliya.

Keynta Boni ayaa ah meel aad ugu caan ah ugaarta noocyadeeda ka gedisan waana meel u dhaw xuduuda Soomaaliya ay la leedahay Kenya.

“Xayawaanku dib ayuu ugu soo laabanayaa gudaha magaalada isagoo u socda raxanraxan waxaa aragnaa goronyo agteena socota haramcas iyo Maroodi ayaa iyaguna jooga bannaanka magaalada sidaana waxaa warbaahinta u sheegay gudoomiyaha degmada Badaade Haybe.

MaroodiKenya Boni ayaa u ahayd saldhig weyn duurjoogta dalka Kenya oo noocyo ka duwan leh tan iyo bilawgii dagaaladii Soomaliya sanadkii 1991, illaa xilligaasna waxaa dabargoyn lagu hayey ugaarta Soomaaliya.

Duurjoogta Soomaaliya ayaa u baxsaday isla markaana ka talaabay xuduuda Soomaaliya ay la leedahay Kenya iyagoo ka cararaya dagaaladii sida joogtada ah uga socday Soomaaliya iyo weliba ugaarsi joogta ah oo ay la kulmeen.

Hadda waxay u muuqataa in marka la fiiriyo xasiloonida ka curatay meelo badan oo Soomaaliya ka mid ah in duurjoogtaasi ay u arkeen iney jirto fursad kale oo ay dib ugu soo laaban karaan gudaha Soomaaliya.

 

Mawduucyada:Gobollada